Faallo:-Markale ku laabo khudbada Madaxweyne Deni

WQ:-Jibril Qoobey.

Markaan saa ku leeyahay,waxaan soo gudbinayaa dareenka Dadka caadiga ah ee reer Puntland.

Dadka Siyaasada xog ogaalka ka ah ama aragtida ka leh,way fahmi karaan hadalkaaga iyo meeshaad usocoto.

Xalay khudbadii aad jeedisay,way kala daadisay Shacabkii umidaysnaa dagaalka iyo loolanka Xamar ee reer Puntland.

Golayaashii lagu ururinayay Lacagaha Ciidanka,ayay saamayn ku yeelatay oo Niyad jab ka bilowday oranaya…

(Xamar Nin usocda Lacag ku taageeri mayno).

Khudbadii Xalay Qaybteeda aad uga hadashay Xamar,waxay ahayd mid wakhtigeedii kasoo hordhacday oo aan ku haboonayn xiligan,ayay qabaan Dad badan.

See wax loo sixi karaa?

Madaxweyne ku laabo hadalka oo Quluubta Shacabka Puntland daji,waa muhiim oo taageeradooda,waa mida aad uga adkaatay Siyaasiyiintii kale oo dhan.

Ha iska shaashayn,hana lumin fursada aad haysato ee taageerada Shacabka Puntland ah.

Dadku,waxay kuu arkaan Xamar meel ay ku hungoobeen,wakhti uga lumay,Dhiig iyo Dhaqaale ay ku bixiyeen,isla markaana wax wanaag ah oo uga soo laabtay aysan jirin oo bahalo galeen ah lana joogo xiligii laga tashan lahaa oo Puntland teeda uqumi lahayd.

Siyaasi dareenkooda ka turjumaya oo Qiyamkooda ku ilaalinaya ayay kuu fahmeen,Xalayse,waxaa usoo xaluushay kuwii Xamar aaday oo leh…

(Anaguu naga cayrsanayaa ee isagaa usoo socda,dana idinma hayo).

Madaxweyne qabo hadal kale oo aad ku amaanayso doorka Qurba-joogta iyo Shacabka Gudaha kuna dul istaagayso wax walba innay kaala muhiimsan tahay Puntland iyo masiirkeeda.

Shacabku,waa ku sugayaa Madaxweyne markale.

Aragtidan,waxaa iga codsaday 234-Qof oo reer Puntland ah in aan gudbiyo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading