Faallo:-Masaaridu khatar Siyaasadeed iyo Milleteri maku tahay PL?

Puntland khatar kuma ahan Masaarida kusoo biirtay loolanka caalamka ee Somaliya ka jira…

1.Masaarida,waxa ugu weyn ee ay keeni karaan waa 10-kun Askari,iyaguna awood mahan.

2.Saanada Milleteri ee Masar siinayso Xasan,wuxuu ku dhisanayaa Ciidan Beeshiisa hoose ah oo uu kula loolamo isla Beeshiisa dhexdeeda,gaar ahaan Harti Abgaal.

3.Masar in ay Somaliya saamayn kaga yeelato Milleteri ahaan,Dhaqaale ahaan iyo Waxbarasho ahaan,waxaa ku maalgelinaya Imaaraadka oo la loolamaya Turkiga kuna gabanaya doorkii Jaamacada Carabta ee Somaliya xoojintiisa.

4.Maraykanka oo aan ogolayn wax ka badan cadaadis Itoobiya la saaro in Masaaridu ka samayso gudaha Somaliya.

PL,waxay xiriir wanaagsan la leedahay Imaaraadka,Itoobiya,Maraykanka,Turkiga,waxa ay sidoo kale soo dhawaynaysaa Masar.

Dhanka kale PL,waa qayb ka mid ah Somaliya oo wixii hagaaga ku faraxsan waxna ku leh.

Waxa ugu yar ee Imaatinka Ciidamada Masaarida laga faa’idayo,waa baqdin gelinta Itoobiyaanka;taasoo durba muuqatay,wayna soo dhawaynaysaa PL.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading