Faallo:-Maxaa kasoo baxay kulankii Shiinaha iyo Afrika?

51-Wadan oo Afrikaan ah iyo Hal wadan oo ka mid ah Wadamada Indha yarta loo yaqaan kaasoo ah kan ugu saamaynta weyn ee Shiinaha,ayaa kulan wada yeeshay.

Waa kulan muujinaya qiimaha hooseeya ee Afrika oo ah Qaarad oo a miisaan noqotay Hal Wadan oo waliba Dalkaas ay Afrika ka rabto waxtar ee aan wax lays dhaafsanayn.

Kulankan Shiinuhu,waxa uu ka rabay Laba Qodob oo kala ah….

1.Saamyntiisa Koonfurta Caalamka in uu kor usii qaado.

2.Kobcinta Dhaqaalihiisa.

Shiinuhu waa Dalka ugu weyn ee Ganacsi la leh Qaarada Afrika,waxaana lagu qiyaasaa $64-Bilyan Ganacsigaas,balse waa hal dhinac oo Afrika wax badan kuma leh Ganacsigaas.

$51-Bilyan in uu gelin doono Afrika 3-da Sano ee soo socota,ayuu Shiinuhu ballan qaaday iyo Hal Miyan oo Shaqo in uu u ka buuri doono Afrika.

Afrikaanku maxay rabeen?

B.In uu ka cafiyo Daynta xooga leh ee aysan bixin karin.

T.In ay ka helaan Deeq Dhaqaale.

J.In ay helaan Maalgashi cusub.

X.In ay ka helaan Gargaar.

2020 Shiinuhu,waxa uu ku dhawaaqay in uu gelin doono Afrika $696-Bilyan,halka uu Sanadkan ku dhawaaqay 10-meelood meel balanqaadkiisii 4-Sano ka hor taasoo muujinaysa…..

B.Shiinaha oo ka niyad jabay Afrikaanka iska bixin waayay Dayntii hore.

T.Dhaqaalaha Shiinaha oo xawaarihii koritaanka dhimay oo luudaya haatan.

Afrikaanku,waxay filayeen kalama aysan kulmin Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee Shiinuhu ballanqaadkiisa balaaran uma fulaya sida loo malaynayo oo waxaa ka qabsoomi doona xoogaa Gargaar ah,tababaro 7000-Askari oo iskugu jira Milleteri iyo Boolis iyo ugu badnaan $10-Bilyan oo Maalgashiya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading