Faallo:-Maxaan ka naqaanay dhaqamada Diblomaasiyadeed Ee Wakiilka QM Shaqada ka tagaysa?

Gabadha haatan tagaysa ee kasoo jeeda UK,waxaa lagu dhaliilay in aysan ahayn Qof Siyaasada ka shaqaynteeda ku fiican,waxayna ugaga fiican tahay arimaha farshaxanka.

Waxaa la sheegaa intii ay joogtay Somaliya Dadka ay la kulantay in ay ubadnaayeen Dadka mihnada Farshaxanimada ku Shaqaysta.

Dadka falanqeeya Siyaasada iyo Diblomaasiyada Somaliya,waxay sheegaan in UK ku ceebowday soo dirista Gabadhaas oo ahayd Qof fudayd badan ku jiro mararna lays waydiiyo in uu jiro Xanuun Maskixiyan ah.

Diblomaasiyadii Ingiriiska ee Rugcadaaga ahayd in Qof Qalbi xabxab ah kasoo dhex baxo oo waliba ku matalo Wadan muhiim u ah loolanka Juquraafiga Siyaasadeed oo UK udub dhexaad utahay si weyn,ayaa loola yaabay.

Ugu danbayntii UK waa lagala wareegay hogaamintii Siyaasada BC ee ku wajahan Somaliya markale.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading