Faallo:-Maxay ka dhigan tahay booqashada Biden Ee Israa’iil?

Laab isa saarida Biden iyo Natanyahu xili Caalamku la murugoonayo Gantaalkii ku habsaday Isbitaalka Qasa,waxay dirtay fariin oranaysa…..

“Yuhuuda qanacsanaanteeda,waa muhiimadayada koobaad,hadaan Maraykan nahay”.

Kadib Gantaalkii lala eegtay Isbitaalka Qasa ee ay ku naf waayeen ku dhawaad 1000-Qof oo ay ku jiraan Caruur aan danbi lahayn,waxaa la filayay Biden in uu dib udhigo booqashadiisa.

Balse,waxuu muujiyay Garab istaag xoog badan oo aan ku xirnayn wax shuruud ah xilli walba iyo xaalad kasta oo jirta.

Booqashada Biden ee Bariga Dhexe,waxaa qayb ka ahayd in uu tago Urdun oo uu kula kulmo Madaxda Carabta,waase la baajiyay kadib markii MW Falastiin ku dhawaaqay maalmo Baroordiiq ah.

Kulankaas,waxay ubadan tahay in markale la mudeeyo amaba sidaa lagu joojiyo.

Booqashada Urdun iyo la kulanka Madaxda Carabta qaarkeed Biden waxay u ahaan lahayd fursad uu ku muujiyo dhexdhexaadnimo.

Sidoo kale Madaxda Carabta,waxay uhaan lahayd fursad ay uga faa’idaystaan in ay Maraykanka ku cadaadiyaan Xabbad joojin uu ku khasbo Israa’iil.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading