Faallo:-Maxay ka dhigan tahay kala taga Farmaajo iyo Fahad?

Markii horeba,waxay heshiis ku ahaayeen khaa’inimo iyo dibindaabyaynta Wadanka.

Kala tagoodu,waa Shar Somaliyed oo nuxuusay,waana la filayay oo waxaa la oran karaa,waa isku daaheen.

Sida xoguhu tilmaamayaan Farmaajo ayay ka timid in Fahad ka haro Siyaasadiisa markii uu sameeyay qiimayn socotay Hal Sano oo uu kula kulmay Dad badan oo taageersanaa balse uu waayay xiliyo kala duwan.

Qiimaynta Farmaajo sameeyay,waxay kusoo ururtay 80% Dadka uu lumiyay in ay uga tageen Fahad daraadii.

Fahad muxuu kala tagayaa Farmaajo?

1.Dad kalama tagayo oo xataa,waxaa Farmaajo ku haray Cabdullaahi Dheere oo ahaa Ninkii Fahad Gacabtiisa Mifig ahaa oo u ahaa hawl fuliyaha Shaqada uqaban jiray.

2.Dhaqaale kalama tagin oo Lacagtii Qatar awal,waxaa bixin jiray Sirdoonka iyo Amniga hadase,waxaa la wareegay Boqortooyada,waxaana Farmaajo ka codsaday in ay toos isaga ula xiriiraan.

Fahad halkee ku danbaynayaa?

Cid aaminaysa ama uu ka gadmayo ama unoqon karta Farmaajo oo kale majirto.

Sida ay qiimaynayaan Dadka xog ogaalka ah Fahad Siyaasad Somaliyed waa uga dhamaatay oo waxuu nasiib leeyahay haduu amni ahaan sii noolaado.

Fahad,waa Nin cuqdadaysan,Liciin ah,aragti khaldan,Kibir badan oo aan lahayn kasbasho Bulsho.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading