Faallo:-Maxay ka dhigan tahay Magacaabista Swan Ee Wakiilka QM Somaliya?

Swan Waxa uu noqonayaa Wakiilka SRSG ee Somaliya oo haatan ah Macalin Jaamacadeed iyo Madaxa Barnaamijka Cimilada ah.

Waa Wakiilkii hore ee QM iyo kii Maraykanka oo kasoo shaqeeyay Somaliya xili adag haystana xog iyo khibrad ku dhow 20-Sano oo Siyaasada iyo amaanka Somaliya ah.

Waa Nin aragti iyo hogaamin leh,waxaana lagu xasuustaa in uu ahaa Ninkii Farmaajo geeyay Teendhada,taasoo ka dhigan in uusan Xasan heli doonin fursad.

Si gaar ah PL waa Nin yaqaan oo lasoo shaqeeyay ilaa MW Faroole,Gaas,isla markaana Deni ku cadaadiyay in uu s casilo markii uu utartamayay Kursiga Madaxtooyo ee Villa Somaliya Doorashadii Xasan kusoo baxay.

Swan,waa Nin ka gudbin kara Somaliya kala qaybsanaanta jirta oo dhaqaajin kara Siyaasada istaagtay ee Wadanka.

Swan,wuxuu hogaamin doonaa Xaafiiska Unsom oo la qorshaynayo in kmg la geliyo,inkastoo aysan isku raacin DFS ee sharciyada lumisay iyo BC,si gaar ah Midowga Yurub iyo UK ayaan weli aqbalin halka Maraykanku muujiyay in uusan dood badan ka qabin.

Somalidu kuma filna maaraynta Siyaasada Wadankooda,waxayna ubaahan yihiin mar walba taageerada caalamka ee dhan walba leh.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading