Faallo:-Maxay ka dhigan tahay Qabashada Sheebaab?

Sheebaab qabashadeedu,waxay ka dhigan tahay oo kale in la sifeeyay Dhadaar,Dhasaan iyo Tuulooyinka kale oo Toga-jeceel ku faafo.

Sheebaab markaad taagan tahay,waxba kuuma jiraan ama waaba aad joogtaa ilaa Dhasaan oo waa Dooxo banaan oo Tiknikada Ciidanku ku wararacaynayso.

Sheebaab Ninka laga qabsaday ma joogi karo Dhasaan iyo Tuulo kale oo waa banaan Taayirka lagu laynayo.

Argagixisada firxadkeeda oo ubadan Madaxdoodii inta hartay iyo Ilaaladoodii,way kala yaaceen,waxaana lagu sifaynayaa Wajiga Sadexaad.

Maanta,waa lagu dhawaaqi karaa in Buuraha Calmiskaad laga saaray argagixisada.

Toga-jeceel dib looma dayacayo oo,waxaa degi doona Guutooyin Ciidamada Difaaca Puntland ah.

PL jiritaankeeda lama baayici karo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading