Markii Maamulkii Dowladii TFG ee uu hogaaminayay MW Cabdullaahi Yuusuf ay garab ka codsadeen Maamulkii Melles Sanawi ee Dowladii Fadaraalka Itoobiya xilligaas,Dadka ku Dhaqan Xamar Qaylo ayay Afka furteen,waxayna ku dhawaaqeen Jihaad Dalka iyo Diinta looga Difaacayo Cabdullaahi Yuusuf iyo Amxaarada uu wato.
Dagaalkaas oo loogu Magacdaray (Wax iska caabinta),waxaa Qayb ka ahaa MW Xasan Shiikh oo haatan ku fadhiya Kursigii Cabdullaahi ku fadhiyay markaas.
Dad badan oo Somalida kale ah,ayaa lagu kuciyay Wadaniyad iyo Diin Difaac oo Qayb ka noqday dagaalkii lagala hor tagay Maamulkii MW Cabdullaahi Yuusuf rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.
Maanta si la mid ah sidii Cabdullaahi Yuusuf,waxaa fadhiya Villa Somaliya Xasan oo kasoo jeeda Xamar,waxa uuna ka dalbaday Garab Abiy oo ku fadhiya Kursigii Melles,waxaa Wadanka soo galay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka difaaca Maamulka Xasan argagixisada iyo Mucaaradka diidan hogaamintiisa.
Su’aaluhuu,waxay yihiin?
1.Meeday Wadaniyadii?
2.Meeday Diintii?
3.Meeday wax iska caabintii?
Mise sidii uu horay usheegay MW Cabdullaahi Yuusuf ( Kursigaa Murtad ahaa ee isagu ma ahayn Murtad).
Mise Siyaasiga Beelaha kale,ayaa loo isticmaalaa Kaarka Wadaniyada iyo Diinta?
Mise wax iska caabintu ma qabato Siyaasiga Xamar?
JQ.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.