Faallo:-Maxay Puntland ugu nugushahay dhacdooyinka amni xumo?

Puntland arimaha amni xumada sababa ee lala diriro way leedahay…..

1.Argagixisada.
2.Tahriibka.
3.Ganacsiga Hubka.
4.Isku dhacyada Beelaha.
5.Xanuunada faafa.
6.Kufsiga iyo tacadiyada Haweenka.

Arimahan waxaa PL usoo jiiday meesha ay ku taalo,deganaanshaha,ganacsigeeda xoogan iyo nolosha Deegaamadeeda ka jirta.

PL,waxay udhaxaysaa oo isku xirtaa Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya + Itoobiya.

Dhanka Badda waxay kulmisaa Laba Badood oo istiraatiijiya oo ay sanadkii isticmaalaan in ka badan 30-kun oo Markab.

PL,waxay Xuduud Badeed la leedahay Dhulweynaha Carabta ee xasaasiga ah.

1.Dadka Puntland waa 4-Milyan oo Qof.

2.Dhulku waa Labo Boqol oo Kun KM oo isku wareeg ah.

3.Xeebta Dhererkeedu waa 1630-KM.

4.Sadex Garoon diyaaradeed iyo Laba Dekadood,ayaa ku yaal.

Hadaba Dhulkaas muhiimadaas leh,isla markaana khatarta ugu jira wax walba oo amni dari sababi kara malahan Hay’ado amni oo sal adag.

60% waxay Dowlada PL sheegtaa in Miisaaniyadeeda ay ku bixiso sugida amniga,taasoo udhiganta $65-Milyan in Sanadkii amniga ay uga baxdo,kamase muuqdo Amniga Guud ee PL dhaqaalahaas.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading