Faallo:-Maxay soo kordhin karaan Raga uu Magacaabay Xasan Sh Ee PL kasoo jeeda?

Sideedadaba khayr kama filanayno Qofka Xasan meel umagacaabo oo PL kasoo jeeda,sababtoo ah,waxa lagu doorto,ayaa ah in uu yahay Qof xumaan loo adeegsan karo.

Ma leh faa’ido Deegaan iyo mid Somaliyed Magacaabista Labadan Oday,isla markaana Labada Boos ee loo Magacaabay,miisaan maleh.

Sidoo kale,Labada Oday Arimaha la yiri ka tala bixiya uma leh khibrad iyo Aqoon.

Labadan Nin,waxay ku sugnaayeen mudo Xamar,iyagoo Shaqo doon ah,tanina,waa Shaqo abuur loo sameeyay.

PL,waxba ma yeeli karaan,sababtoo ah saamayn kuma leh Deegaamada ay kasoo jeedaan,isla markaana Sanadihii ugu danbeeyay,waxay ka mid ahaayeen koox Guri looga kireeyay Xaafada Huriwaa oo PL kasoo qaxday markii looga adkaaday Siyaasada.

Waxa ugu weyn ee ay heli doonaan,waa Mushahaar iyo in ay Xasan xog PL ka dhan ah la wadaagaan.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading