Waa laysku awood sheegtay mana jiri doonto meel ay uga baxsan doonaan Bad iyo Bariba Quwadaas dul hoganaysa argagixisada.
Markaan,waxaa noo dhiman inaan Xeebaha Ciidanka jooga xoojino si Ragaas baxsadka ah aysan Yemen inoogaga fakan.
Dhamaan Ciidanka PMPF iyo Doomaha Dagaalka,waa in ay Laba Jibaaraan Shaqadooda.
Nolol Ama Geeri,waa in Madaxdii argagixisada lagu soo qabtaa oo waa in Deg-Deg loo qaadaa dhowr Talaabo….
1.Waa in Mudo 3-Todobaad ah la joojiyaa Dhamaan Doomaha Kaluumaysatada ah ee Xeebaha Puntland.
2.Doontii ama Markabkii Kaluumaysi ee lagu arko Xeebaha hawlgalku ka socdo,waa in Ciidanku la wareegaa.
3.Xeebaha ka fog Dhulka Hawlgalku ka socdo ee Dhanka Nugaal iyo Mudug jira,waa in Ciidan Xoogan iyana la dhigaa si dhulka laga filan karo argagixisada dhul kabaxsan aysan ugu raad gadan.
4.Waa in Dadka degan Dhulka Xeebaha ah Deg-Deg Ciidanku ugu dhex milmaa oo Sirdoonka laga hawl galiyaa.
5.Doomaha iyo Maraakiibta laga leeyahay Dalalka Yemen iyo Iiraan waa in aysan soo gelin Xeebaha Puntland digniina lasiiyaa.
Talaabooyinkaas,waa in Shacabku Dowlada Garab ku siiyaan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.