Faallo:-Mucaaradka diidan Qof iyo Cod oo ka jawaabay baaqii MW Deni

Madasha oo aan daawaday jawaabteedii ay kaga jawaabayeen baaqii Madaxweyne Deni,waxay ahayd mid aan jiho lahayn.

Baaqii wada xaajoodka ma aqbalin?

Baaqii wada xaajoodka ma diidin?

Fikrad cusub ma keenin?

Maxaa ufurnaa oo ay Deni ku dili Kareen ?

PL Doorasho Qof iyo Cod ah ayay aaday,waxaan iyada ahayna lagama wada hadli doono,marka waxay ahayd aragti cusub oo ay Deni kula rogaan Ciyaarta in ay keenaan.

Si buuxda in ay u aqbalaan wada xaajoodka,isla markaana aqbalaan Doorasho Qof iyo Cod ah.

Kadibna ay soo istaagaan Doorashada Qof iyo Cod,waan galaynaa,Anagoo tixgelinay Dalka iyo Dadka,balse waa in Shuruudahan la fuliyaa….

1.In la dhiso Gudi Doorasho oo 3-Bilood Shaqeeya oo ka kooban Dad dhexdhexaad ah,sida Culumada,Ganacsatada iyo Aqoon yahanka.

2.In la xaqiijiyo in uusan isticmaalin Xisbiga KAAH Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Dowlada.

3.In loo sinaado isticmaalka Warbaahinta Dowlada lana ilaaliyo Madax banaanida Saxaafada xorta ah.

Nasiibdarro sidii la saadaalinayay iskama aysan difaacin Kubada uu kusoo laaday MW Deni Mucaaradka diidan Doorasho Qof iyo Cod ah.

Waxay ugu ordeen Deni Wadadii uu rabay oo ahayd in ay Hoobiyaha Aadaan,kaasoo iyagana aan ka dhigayn Madaxweynayaal.

Ciidamada Badda PL ee ay ku meeraysteen,waxaa jawaab ugu filan…..

(Ciidanku Wadankiisuu ukala gooshayaa oo waxaa waajib ku ah Deegaankii uu culays ka dareemo in uu xoojiyo).

Warkoodoo dhan,waxuu kusoo ururayaa markaad dhab ufiiriso…..

“PL oo Dowlad ah in ay uraraan Beelo wada jooga”.

Sideedii ayay uga dhalatay Kubadii Deni kusoo laaday.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading