Boqor Burhaan Boqor Muuse si weyn oo maamuus sare leh,ayaa loogu karaameeyay Mudug.

Boqorka waxaa laga soo galbiyay Garowe,waxaana Duhurnimadii lagu marti sooray Burtinle oo uu laba habeenna u hoyday.

Kadib waxaa loo galbiyay Dekeda Garacad oo lasii marsiiyay Wadada dheer ee Wadaagsin,iyadoo Deegaan walba oo uu sii maro laga horkeenayay soo dhaweyn iyo farxad.

Boqorka xalay waxaa xaflad aad loosoo agaasimay loogu qabtay dhismaha Dekeda Garacad gudaheeda.

Maanta,ayaa dib loogu soo galbiyay Gaalkacyo.
Sida xogtu igu soo gaartay waxaa jiri doona Xoolo goyn gaaraysa 1000-Halaad oo Boqorka loo diyaarinayo.
Sida qorshuhu yahay Boqorka waxaa loo galbin doonaa dhanka Ciid Guduuda maalmaha soo socda.
Jibril Qoobey.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.