Faallo:-Muuse dharbaaxo Siyaasadeed,ayaa ku dhacday!!

26-kii June ayay ahayd in la saxiixo heshiiskii isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ma dhicin oo 30-ka Bisha oo Maanta ku beegan,ayaa markale la sheegay in uu qabsoomayo.

Si la mid ah ma hirgelin mar Labaad,waxaana taa badalkeeda la iclaamiyay in Itoobiya iyo Somaliya weftiyo ka kala socda ay ku kulmayaan Turkiga.

Waxaa muuqata in cadaadiskii BC shaqeeyay oo saamayn ku yeeshay Labada dhinac ee Somaliya iyo Itoobiya oo ay dabac muujiyeen.

Hadii kulamada Somaliya iyo Itoobiya ay qabsoomaan oo Itoobiya ay ka baaqsato ficil ubadalida isfahankii SL Muuse Biixi,waa ku fashilmay Siyaasada guud ahaan,waxaana uqurxoon in uu Doorasho qabto taladana wareejiyo oo uusan xataa tartamin.

Jabkii Gooja-cade iyo jabka MOU haday Muuse isku raacaan,waa ku daayay Siyaasiyan gudo iyo dibad.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading