Faallo:-Muxuu uga dhigan yahay Sinjiga iyo Dowlada Somalida hadalka Abiy?

Hadalka Abiy,waxa uu ku yahay Somalida Gobanimadeeda iyo jiritaankeeda Ummadnimo jees jees,yasmo iyo hoos udhigid.

Saakay,waxaa qurxoonaan lahayd in jawaab uqalanta la siiyo,balse nasiibdaro majirto awood jawaabi karta iyo haybad Dowladnimo oo jawaab bixin karta.

Qof walba oo Somaliya oo Uunka saaran,ayuu hadalka Abiy ku yahay ilhaamo iyo wax uu ka dhiidhiyo.

“SL in aan la gaarno isfahan,waxaa keenay markay DFS kasoo jawaabi wayday dalabkayagii oo SL ay noqotay cida kasoo jawaabtay dalabkayagii,waa go’aan masiiriya in aan Badda adeegeeda gaarno”Ayuu yiri Abiy.

Waa hadal masuuliyad daro ah oo lagu sifayn karo Gaangiistar Aag uxiran yahay oo Qabaan ka ah Dadka ku nool.

“Mukulaal Madow” in aan Geeska Afrika ku joogno,ayuu muujiyay Abiy iyo in rabitaanka Qofka Xabashiga ah uusan gorgortan geli karin.

“Inta ay nagu dacwaynayaan Dad aan waxba naga badali karin may anaga na baryaan oo Lacagta uga baxaysa Diyaaradaha Iskuul ku dhistaan”Waa macnaha hadalkii Abiy uu ka hor jeediyay Baarlamaankiisa.

Abiy,waa,waxaan Gob ahayn oo wax kala aqoon oo nagu helay fursad.

“Eebow waxaan ahay Nin Gob ah oo Guni rifaysaa”Ayay saakay taagan tahay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading