Faallo:-ONLF waxaa horyaala fursado Siyaasadeed iyo Mileteri oo waa weyn!

ONLF,waxay haysataa fursado waa weyn oo taariikhda geli doona hadii laga faa’idaysto iyo hadaan laga faa’idaysanba……

1.Waxaa diciiftay awoodii Dowladnimo ee Itoobiya haday ahaan lahayd Midnimo Shacab,hay’ado Maamul iyo Ciidan.

2.Waxaa si weyn udanaynaya diciifinta Itoobiya Dowlado awood leh sida Masar.

3.Waxaa burburay Ciidankii Liyuu Boolis oo laga faa’idaysan karo.

4.Damaca Itoobiya ee Badda oo dhaliyay fursado ONLF uga hawlgeli karto gudaha Somaliya.

5.Maamulka Somali Galbeed ee Mystafe hogaamiyo oo aan lahayn awood uu ku hanto Bulshada iyo Maamulka Deegaanka.

Itoobiya,way wiiqantay?

Gobolka Tigreega kama taliyo Maamulka Abiy,kaliya Maamulka Tigreega Xubno ka mid ah,ayaa ku xiran Adis-ababa.

Deegaanka Amxaarada,intiisa badan,waa ka baxay Gacanta Maamulka Abiy,waxaana dhici karta in Caasimada Adis laysla soo galo.

Waxaa jira xogo sheegaya Amxaarada,Tigreega iyo Eretereya oo wada socda in ay duulaan kusoo qaadayaan Adis-Ababa.

Wararku,waxay intaas ku darayaan in Abiy udiyaar garoobayo uguurista Nasireed hadii uu Adis difaaci waayo oo halkaas uu kasii wado dagaal Qowmiyadeed oo Oromadu ku taageerayso.

Abiy iyo Maamulkiidu,way fulin waayeen Wodobadii ay kula heshiiyeen ONLF,taa badalkeeda,waxay isku dayeen in ay meesha ka saaraan una kala jabiyaan Laba Garab.

ONLF,waa in ay mar walba Niyada ku haysaa Itoobiya Maamul walba oo yimaada in uusan rabin Qiyamka ONLF utaagan tahay.

Dhamaan Qodobadaas ONLF Siyaasiyan iyo Milleteriyanba,way ka faa’idaysan kartaa haday fahmaan hogaamiyayaasheeda.

 

Halkan ka dhagayso dooda Prof.Keynaan

 

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading