Faallo:-Puntland iyo dagaalka sifaynta argagixisada

Sheebaab oo ahayd Madaxtooyada Argagixisada,waxay noo jirtaa 25-Km Caawa.

Ciidanka Difaaca Puntland,waxay soo nadiifiyeen Dhul gaaraya 250-km oo ah Dhul adag oo leh Togag,Buuro,Jeexyo iyo Boholo.

Waxay ku waayeen Ciidanka Difaaca Puntland xaqiijinta guushaas weyn ee Taariikhiga ah ku dhawaad 200-Askari oo isku jira Dhimasho iyo Dhaawac.

64-Askari oo Shahiid ah.
117-Dhaawac ah oo ay 78 fududahay oo 58 ka mid ah Dib ugu laabatay Dagaalka,halka 18 Dibada loo qaaday.

Dowlada Puntland,waxay ku bixisay dagaalkan socda 2-Bilood Dhaqaale ku dhow $17-Milyan.

Dhiiga iyo Dhaqaalaha ku baxay dagaalkan,waxa uu xaqiijiyay in 1-kii Km oo Dhulka reer Puntland ah uu ka Qiimo badan yahay 100-Wiil Noloshooda oo loo hurayo.

Dagaalkan,waa mid muhiim ah oo go’aankiisa la qaatay xili ku haboonaa.

Dagaalkan,waa mid Taariikhiya oo galaya Sooyaalka reer Puntland si la mid ah kuwii ka horeeyay ee Taariikhiga ahaa.

Shacabka Puntland,waxay muujiyeen midnimo,isku tashi iyo Qiyam sare.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading