Waa la gorgoriyay jiritaankeena mar Afraad si xoog badan.
Sagaashameedyadii Anagoo ku mashquulsan Difaaca Dhulkeena,ayaa Urur Diimeed naloo soo adeegsaday,wuxuuna Gacanta ku dhigay si fudud Deegaamadii iyo haldoorkii Bulshada.
Rag xul ah oo ay ku jiraan Cabdullaahi Yuusuf,M.Abshir iyo Islaaan Maxamed,ayaa galay Gacanta Cadowgaas.
Ilaahay mahadii Gacana Difaacii Dhulka,ayaan kusii wadnay Gacana sifayntii gudaha,ayaan ku galnay,waana ku guulaysanay mudo kooban.
Waxaa xigtay Carta iyo Dowladii Cabdiqaasim oo Jabuti Geed fadhiga u ahayd,waxayna ku dhaqaaqday gorgorinta jiritaankeena,taasoo sababtay in aan iska difaacno weerarkii Carta,isla markaana burburino nidaamkii Geelle watay oo ku badalno Dowlad Somali wada leedahay oo danaheeda ka Shaqaynaysa.
Waxaa ku xigay Subax in Xeebaheena ay ku waabariisteen Kun Nin oo AS ah,kuwaasoo khatar ku noqday markale jiritaankeena,waase ka adkaanay oo baabi’inay.
Waxaa ku xigay Xasan Shiikh oo isku dayay in uu Dastuurka Fadaraalka burburiyo,isla markaana nagala diriro horumarka iyo Maamul wanaaga,isna,waa ka guulaysanay oo Sadex Sano kadib,waxaan hormuud unahay dagaalkii argagixisada,Dimuqraadiyadii iyo horumarkii Deegaamada Somalida.
Waxaa ugu danbeeyay argagixisada degtay Buuraha Calmiskaad ee isku dayday in ay halkaas ka dhisto Maamul Daacish,waase ka hawlgalnay oo burburinay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.