Faallo:-Puntland ma mudan tahay in tixgelin gaar ah la siiyo?

Dad badan,ayaa qaba PL in ay ubaahan tahay tixgelin gaar ah oo ka Madaxbanaan Xamar,sababtoo ah Maamulada Koonfurta iyo PL islama jaanqaadi karaan oo waxay ka horaysaa ugu yaraan 15-Sano.

Hadaba si Dowlad dhisku usocdo Deegaan walbana lagula tacaalo heerka uu ka gaarsiisan yahay Dowladnimada,waa in PL loo fasaxaa horumarkeeda in ay sii wadato.

In la dabro oo loo hakiyo Deegaamo aad uga danbeeya,waxay keenaysaa burbur,kala fogaansho iyo Dowladnimada dhismaysa oo istaagta.

SL xaalkeedu waa gaar,waxaana loo sameeyay tixgelin si uusan uhakan horumarka ay samaynayso.

Si la mid ah PL way ka duwan tahay Koonfurta,waxayna ubaahan tahay tixgelin gaar ah si ay usii socoto.

Koonfurta Dalku,waxay maraysaa la dagaalan argagixiso iyo gargaar bini’aadantinimo,halka PL marayso Maalgashi caalamiya,dhismaha Ilo iyo Kaabayaal Dhaqaale iyo tayaynta Adeega Bulshada.

Dood aan ka qabanay Qodobkaas,ayuu Pro.Keynaan ku dul istaagay aragtidiisa arinkaas.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading