Faallo:-Puntland masiirkeeda uguma tanaasulayso Mashaariic

Arimaha masiiriga ah kuma badalanayno Qado.

Dadka reer Puntland hakala doortaan Gunimo abidiyan ah ama Gobanimo waarta oo loo marayo halgan kooban oo laga gudbayo.

Ruqsada Dowladeed ee aan Villa Somaliya gaynay ee nalagu dhibaataynayo waan ka daba tagaynaa.

Maalmaha adag ee qiyam ku dirirka ah adkaysi,ayaa loo baahan yahay looga gudbo.

Rag,ayaa SSDF aaday,iyagoo qaar Jaamacado ku jiraan,qaar Shaqooyin fiican haystaan,qaarna Ganacsi macno leh leeyihiin.

SSDF waxay ahayd Jamhad lagu seexdo Goroonshiid,waxna lagu Cuno Gaaweeto,lana wajaho Xabad joogta ah.

Saakay oo aan PL oo barwaaqa ah haysano oo uusan jirin Somali naga sadroon ma’ahan in uu na khalkhalgeliyo Mashaariicayste ku naaxay ka Shaqaysiga Mashaariicda iyo Siyaasi Kursi waayay oo Qoraxdu dhibayso.

Sidoo kale Saxaafad ubaratay Siyaasi maalgaliya oo waxtabaysa,iyaduna yaysan idin jahwareerin.

PL Gaajo kama jirto oo Dowladu,waxay Sadex jibaartay Mushahaarka,wayna bixisaa Bil walba.

Mashaariicda horumarineed ee soo jireenka ahaa,way ka socdaan PL kaliya,waxaa Villa Somaliya Siyaasadaysay kuwa Baanka Aduunka ee ku xiran nidaamka Wadan.

Gabadha Deni Arooskeeda yuusan noqon,wax lagu gabado.

Yoolkeenu,waa Dowlad dhiska Somaliya oo jihada saxda ah lagu hago.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading