Faallo:-Puntland waxay muujisay awood markay Gacana ku difaacday Sool Gacana Dimuqraadiyad ku gashay

400-kun iyo jajab Shacabka PL ee ka weyn Da’da 18-jirka ah,ayaa isku diiwaangelisay Doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in Laba Gobol aysan Diiwaangelin ka qabsoomin,kuwaasoo kala ah Sool iyo Cayn.

Sidoo kale Bulshada Puntland Boqolkiiba Lixdan waa Dadka ka yar Da’da 18-jirka.

Taasi waxay ka dhigan tahay Boqolkiiba Toban in Bulshada PL isdiiwaangelisay.

Ma xuma xaqiiqdii marka la qiimeeyo Diiwaangelintan caqabadaha ku hareeraysnaa.

Runtii Saakay PL in ay shaaciso Diiwaangelin,iyadoo dhanka kalana dagaal ka socdo Gobol ka mid ah Gobolladeeda waa wax weyn.

Dadkii Madaxweyne Deni ku diiday sii wadida Diiwaangelinta oo aan Anigu ku jiray waa nalooga lahaa,waana saxsanaa go’aankii ku adkaysiga.

Puntland awood ayay muujisay micniheedu yahay ( Gacana waa ku dagaallantay,Gacana Dimuqraadiyad ayay ku wadey).

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading