Faallo:-Puntland waxay ubaahan tahay hogaamiye Dadkeeda iyo Dastuurkeeda isku haya

Deni dhaliilo,ayaan uhaynay oo waxaan aaminsanayn in ay ku qurxoon tahay xilligan isbadal in uu yimaado.

Balse,waxaa dib noo jeclaysiinaya kuwa la tartamaya aragtidooda markaad aragto.

Sidoo kale Isimo Dhaqan oo meel ufadhiya Siyaasi hankiis Dal iyo Dad aan xeerinayn,ayaa dib noogu soo celinaya Deni.

Haatan Isimada Garowe ku shirsan,waxay ufadhiyaan hal arin oo ah….”Deni 17-ka Xildhibaan ee Sool Adiga iyo Siyaasiyiinta aan wadano qaybsada,hadii kale Sool oo dhan PL waa ka saaraynaa”.

Waa danaysi halkii ugu saraysay iyo aragti gaaban.

Deni,waxaan ku taageeraynaa Isku haynta Puntland iyo ilaalinta Dastuurka.

Reer Sool Xildhibaanadooda waa soo xusheen,waxaana kala saaraya oo Habraaca ku ilaalinaya Gudiga khilaafaadka.

Matalaada Sool ka weyn wax lakala goosto in uu Deni diidana waa Sharaf iyo karaamo uu muujiyay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading