Reer Mudug,waa Dad qiyam,gaar ahaan Puntlander-nimada markay timaado kama gorgortamaan.
Laamiyada Galkacyo ee lagu dhisayo Lacagta horumarinta ee la saaro Korontada iyo Biyaha ,waxay ku qoreen (Difaaca Puntland).
Xoolihii lagu taageerayay Ciidamada Difaaca PL,waxay bixiyeen kala bar oo ah (2,532 Neef oo Ari ah iyo 62 Geel ah).
Lacagta Qurba-joogta ka timaada ee Ciidamada lagu taageerayo,waxay bixiyaan 60%.
Ciidamada ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada,waxay ka yihiin 50%,gaar ahaan,waxaa ka maraya meesha Guuto Gaashaaman oo wadata wax walba oo mintid ah.
Dadkaas mahan in ay ku faraxsan yihiin 100% Maamulka MW Deni oo Gobolkooda,waxaa ka jira baahiyo la taaban karo……..
1.Garoonka Diyaaradaha,waa dumay.
2.Wadadii Xarfo-Galkacyo oo weli burbursan.
3.Magaaladu waa Wadooyin la’aan.
4.Biyihii Magaalada dhexdeeda oo aan xal loo helin
5.Wadadii Dekeda Garacad iyo Goldogob.
Wax walba,waxaa nooga horeeya Difaaca iyo sifaynta argagixisada Dalkeena.
Reer Mudug,waa Dad ilaalsasho mudan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.