Faallo:-Sadex Dhaliilood oo Maamulka Deni lahaa oo wax laga qabtay

Sadex dhaliilood,ayuu lahaa Maamulka Deni,kuwaasoo kala ahaa….

1.Albaabada Madaxtooyada oo xirnaa.

2.Xiriirka Caalamiga ah iyo Qurba joogta oo la dayacay.

3.Argagixisada Buuraha Bari.

Albaabadii Gudaha,waa la furay oo Maamulkii oo uu hogaaminayo MW Deni,ayaa kormeer ku tagay Gobolada Mudug iyo Nugaal,isagoo Bulshada Qaybaheeda kala duwan la fariistay.

Xiriirka Caalamiga ah,wax la taaban Karo,ayaa laga qabtay,waxaana macno weyn lahaa kulamadii Nayrobi.

Sidoo kale Waqooyiga Maraykanka iyo Yurub,waxaa loo kala diray wafuud uu ugu sareeyo M.xigeenka.

Argagixisada Buuraha Bari,waxaa loo qorsheeyay in Ciidan la geliyo oo Maalmo kadib Madaxweyanaha,ayaa fariisanaya Carmo,isagoo ka hogaamin doona halkaas dagaalka ka dhanka ah Nabaddiidka ah.

Xasan Shiikh oo aad uga xun in Deni ku guulaysto dagaalka argagixisada sidii Dimuqraadiyadii,ayaa Gacmo kale isticmaalaya si loo carqaladeeyo dagaalka argagixisada Buuraha Bari ee PL.

Maamulka Deni haba yaraatee majirto qorshe uu duulaan ugu yahay cid kale aan ka ahayn argagixisada.

Ciidamada kusii qulqulaya Bari,waa kuwa qaadaya gulufka colaadeed ee ka dhanka ah argagixisada.

JQ


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading