Faallo:-Sidee Bulshadu uga falcelisay waxqabadka Xasan soo bandhigay?

Caawa waxqabadka Xasan soo bandhigay,wax macno leh oo loo hakado kuma jirin,waxayna ahaayeen dhamaantood wax la buunbuunshay oo aan xaqiiq ahayn.

Waaqiciga dhabta ah ee jiraa,waa in Xasan ku fashilmay Shaqada…

1.Dowladnimadii oo uu ka dhigtay wax isagu leeyahay.

2.RW iyo Golihii Wasiirada oo uu macno tiray.

3.Dagaalkii argagixisada oo uu fashiliyay.

4.Musuq iyo Eexda oo meeshii ugu saraysay gaaray.

5.Qodobadii hortabinta ulahaa Dowlad dhiska oo uusan waxba ka qaban.

6.Isku hayntii Wadanka oo uu lumiyay.

7.Dastuurkii lagu midaysnaa oo uu Sharcidaro ku dhexgalay.

8.Doorashada Wadanka oo uu Mugdi sii gelinayo.

Saamayn ma yeelan Xaflada Xasan oo Bulshadu maba dareemin umana hakan,waxaana Baraha Bulshada ka s9cday doodu ku saabsan Talaabada SL ka dhanka ah ee la qaaday.

Waxaa muuqata in Dadku ka niyad jabeen Xasan iyo hadaladiisa oo aysan xiiso uhayn hadalo qurxoon oo xaqiiqda ka fog iyo waxqabad aan la arkayn oo la sheegto.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading