Faallo:-Sidee Kenya ku noqotay Xidigta Bariga Afrika Ee caalamku danaynayo?

Kenya,waxay fursad ka heshay Gobolka ay ku taalo oo ay unoqotay hogaanka Dimuqraadiyada,Madax banaanida Saxaafada iyo Ganacsiga xorta ah.

Galbeedku marka ay dib u eegis ku samaynayaan Siyaasadooda Afrika sida haatanba socota,Kenya Bariga Afrika ayay hormuud utahay.

Itoobiya oo ku haysatay doorka dhanka amniga oo Galbeedka uga wakill ahayd la dagaallanka argagixisada iyo xakamaynta Ruushka iyo Shiinaha saamayntooda haatan way lumisay oo waxaa hogaan fudaydkiisa cidlo soo istaajiyay Abiy.

Booqashada MW Ruto ee Maraykanka inkastoo ay si qurux badan udhacday hadana,waxaa xoogaa dhaawac ku noqday ka hor istaagida khudbadii ay ahayd in uu ka jeediyo kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka oo ay Republican-ku ka hor istaageen,iyagoo diidaya in Dimuqraadigu ka helo dhibco Siyaasadeed xiligan Doorashadu soo dhowdahay.

Haduu ka khudbayn lahaa Fadhiga Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka waxay u ahaan lahayd taariikh iyo maqaam sare kadib Nelson Mandela.

Ruto oo aan ahayn Siyaasi soo jireen ah,isla markaana ay tahay markii ugu horaysay ee uu MW noqdo waxay utahay booqashadiisa Qaran ee aadka loo karaameeyay guul Siyaasadeed uu usoo hoyay Kenya una gashay taariikhda.

Si kastooy tahay Kenya waxay ku naaloonaysaa xasilooni Siyaasadeed oo gudaha Wadankeeda ah iyo ixtiraam dibadeed oo sare 60-Sano kadib Xoriyadeedii.

“Waa adag nahay oo waa ka adaganahay abid Aduunkuna waa badbaadsan yahay haday Kenya iyo Maraykan wada shaqaynayaan”..ma’ahan erayo fudud oo waa kuwo ugu yaraan Kenya meel sare dhigay.

Sidoo kale waa fariin loo diray Madaxda kale ee Afrika oo loogu sheegayo in ay udhaqmaan sida Kenya haday rabaan la jaanqaadida Galbeedka muhiimka ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading