Faallo:-Siyaasi Dool maka dhabayn doonaa hadalkiisii?

Cismaan Cumar Dool oo ka mud ah Siyaasiyiinta heerka dhexe ee Somaliland,ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Hargaysa Maanta.

Dad taageeraya,ayaa ku hor banaan baxay Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha,waxaana markii danbe kala cayriyay Booliska SL.

Dadka lakala cayriyay ee soo dhaweynta Dool uyimid Garoonka,waxaa ku jiray Suldaan Daa’uud oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Garxajis ama SL iyo Duqa Magaalada Hargaysa Mooge.

Xariga Dool,ayaa,waxaa ka lifay hadalo xasaasiyad wata oo uu horay ujeedoyay,isagoo dibada jooga.

Hadaba Dool maka dhabayn doonaa hadalkiisii hore ee ahaa in uusan MW Muuse Biixi xiri karin haduu xirana Dhul garlic dhacayo….

“Hadii Muuse ixiro oo Boqol Wiil ku dhiban waydo xarigayga,waxaan Usujuudayaa Muuse oo aan Caabudayaa”.Ayuu yiri Dool.

Dhanka kale Dad badan,ayaa qaba mar hadii hadalkiisii la beeniyay oo la tusay in la xiri karo waa laga adkaaday Dool.

Mida kale Xarigu waa Qacda hore iyo in lagu ilhaameeyo,taasna way dhacday oo Suldaankiisii oo taagan,ayaa la kaxaystay.

HHatan Dool,waxaa lagu soo sii daayay dadaal iyo door Odayaal qaateen oo banaanka ayuu joogaa.

SL Oo 40-Sano ku dhawaad baadigoobaysa aqoonsi Dowladeed,waxay dhacdooyinkan ku yihiin dhabarjab iyo fashilin hadafkii gooni isutaaga.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading