Faallo:-Sool caadifad laguma go’aamin karo masiirkeeda

Maxaan reer Sool ugu Mahadceliyay?

Reer Sool waa Mahadsan yihiin,sababtoo ah,waxay isbareen reer Puntland iyo Somalida kale ee aan si dhab ah ufahansanayn.

Sool,waxay garan wayday Dadkaas kale ee reer PL xataa hadàad ka tagaysaan Sharaf uga taga oo ha iska niyad xumaynina hana umuujinina Abaal Darri.

Reer PL kale difaaca Sool waxay ku kasbadeen cadàawad BC iyo Somalida kale ah,waxayna ku bixiyeen Dhiig iyo Dhaqaale Naf hurid ah umana qalmaan in la ilhaameeyo.

Reer Sool cidna kama yeelayso oo waa danaysi qaawan Amniga iyo Dhaqaaaluhu waa naga dhaxeeyaa lkn Siyaasadu nagama dhaxayso.

Firaaq Dastuuriya PL kama dhacayo,waana lasoo xulayaa 17-ka Xildhibaan,wayna ka qaybgalayaan Doorasahada.

Sool,waxay PL ugu biirtay si waadixa oo waxay qayb ku lahayd 495 Ergay oo lagu Aas-aasay PL.

In Sool PL ka baxdo lama diidana,balse wado Dastuuriya oo loo maro,ayaa jirta,waxa laga hadlayo ma’ahan Dabakaayo ee waa Dowlad.

Masiirka Ummadda caadifad laguma hogaamin karo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading