Faallo:-Tagida Samatar maxay SL Doorashooyinkeeda iyo Siyaasadeeda udhimi kartaa?

Samatar macno lama joogin miisaana lama tagin.

Awdal saamayn toos ah iyo mid dadban midna kuma leh.

Doorashooyinka SL,waxba kama,badali karo oo waxaaba tusaale kuugu filan Xisbigiisii oo laga cayrshay.

BC hadaladiisa uma hakanayaan oo maqaamkiisa Prof ee wax ka dhiga Jaamacadaha la tixgeliyo way sii yaraatay.

Sideedaba Dadka Somalida ah ee gaaray darajada PHD,calaamad su’aal,ayaa fuushay marka la arkay ilaa 7-Prof oo ay macno dhaamaan Dadka xataa Dugsi hoose aan soo marin?

1.Ma awoodaan in ay Ummadda wax ka badalaan.

2.Ma awoodaan aragtida ay qabaan in ay Ummadda ku shubaan ama ka dhaadhiciyaan.

3.Ma awoodaan in ay fahmaan ama la jaanqaadaan dhaqanka,fikirka,hab nololeedka iyo Siyaasada Bulshada Somaliyed ay haysato.

4.Ma awoodaan in ay muujiyaan Maamul wanaag iyo hufnaan Shaqo hadii Boos loo dhiibo.

Aqoon lahow igaar ahow,ayaa ka horaysa.

Aqoontu,waa Faas ubaahan Qof wax ku goosta.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading