Seleniski,waa laga gar lahaa,marka laga soo tago asluub xumada Diblomaasiyadeed ee Trump iyo ku xigeenkiisu muujiyeen ee ceebta ku ahayd Diblomaasiyada gaamurtay ee Maraykanka.
Dagaal uusan ka fiirsan,ayuu geliyay Wadankiisa,isagoo heli kara Wadooyin kale Zelensky.
Ruushku,waa Quwad burburtay,balse diidan in la qaawiyo,waxa uuna taagan yahay… hadii Gaashaanbuurtaydii laga adkaaday yaan lay wada ilhaamayn oo Xuduudayda Nato yaysan soo fariisan.
Ukrain,waxaa halaagay Yurub oo ka dhigatay waxay u isticmaasho diciifinta Ruushka.
Trump,waxa uu leeyahay dagaalka Ukrain mahan in uu sii socdo,wax dan ahna nooguma jirto,waana ku khaldanaa Biden in uu maalgeliyo.
1.Dan uguma jirto Dadka Cadaanka ah.
2.Dan uguma jirto Dadka Ukrain.
3.Dan uguma jirto Dadka Ruushka.
4.Dan uguma jirto Dadka Maraykanka.
Dagaalkan cida kaliya ee u aragta fursada,waa Wadamada Midowga Yurub oo Ruushka ka baqaysa,isla markaana raba in ay ka xaroobaan Maraykanka.
Biden,waxaa muuqata in uu sameeyay khalad Siyaasadeed oo Yurub ay isticmaashay,isla markaana halkii ay ahayd in uu ku mashquulo kobaca Dhaqaalaha Shiinaha uu wakhti iyo Dhaqaale ku lumiyay Ruushka taagan khaatiga.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.