Faallo:-Ujeedka iyo Jihada usoo dhiibtay Xaange Qoraalka uu shaaciyay

Waxa uu kala dhig dhigayo waa Lacagtii ugu danabysay ee Kabid Miisaaniyadeed ah oo caalamka ka timaada Qayb ay ka heshay PL oo dhamayd $5-Milyan.

Sidoo kale,waxaa haatan timid $125-Milyan oo kabid ah,iyadana PL Qaybteeda way ka helaysaa.

Lacagtan ma’ahan kuwa la musuqmaasuqi karo,sababtoo ah hadaysan ubixin sida Baanka Aduunku ugu talagalay,waxaa istaagaya Kabida danbe,marka Xasan iyo kooxdiisu PL Qaybteeda buuq ayay ku furi lahaayeen ee tooday ku waayayaan.

Kabid Miisaaniyadeed oo Sanad mar la helay oo PL ay ka heshay $ 5-Milyan wax macnaha oo ay leedahay majirto,waana og yihiin oo waa sababta ay Kooxda Xasan ufasaxaan.

Waxa muranku ka jiraa oo Kooxda Xasan ay dibindaabyaynayaan waa Mashaariicda waa weyn ee soconaya Sanad ama Sanado oo ay ku baxayaan Malaayiinta Dolar.

Qoraalka Wasiir Xaange maleh macno weyn oo aan ka ahayn in MW Deni iyo Bulshada PL layska horkeeno.

Hadalka Xaange,waxa uu qayb ka yahay Mashruuca Wadada Gaalkacyo-Xarfo ee laga dhigay in Dowlada PL Siyaasadaynayso oo hir istaagtay.

Villa Somaliya,ayaa ka danbaysa dhamaan qorshayaashan lagu khalkahlgelinayo Shacabka oo looga horkeenayo Dowlada PL iyo Mada deeda.

 

Halkan ka akhriso qoraalka Xaange:-

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading