Faallo:-Waa muhiim Abuurida Talis la dagaallanka argagixisada Puntland

Waa lagama maarmaan in la helo Talis aan la badalin Magaciisa oo yeesha Xarun aan guurguurin oo xogta lagu kaydiyo layska dhaxlo ahna Dastuuri.

Taliskaas,waxa uu yeelanayaa Ciidan gaari kara 700-Askari oo 400 ay muuqato,halka Sadexna qarsoonaato ay ka mid yihiin Culumo,Ganacsato,Arday,Macalimiin,Wariyayaal iyo Haween Nolosha kaga jira heerar kala duwan.

Ciidankaas,waa in tababar sare la siiyaa oo lagu Qalabeeyaa Gaadiid,Hub iyo Agab walba oo ay ubaahan yihiin.

Taliskaas la dagaallanka argagixisada Puntland si loogu helo Dhaqaale gaar ah oo joogta ah,waxaa la samayn karaa….

In waxa dhoofaya iyo waxa soo dagaya la saaro $0.3 Canshuur ah oo la dagaallanka argagixisada ugaar ah.

Tusaale?

50.000-Kun oo Neef oo Ariya markii ay dhoofayaan oo la saaro 0.3,waxaa kasoo baxaya Dhaqaale fiican oo hadana Ganacsadaha iska leh uusan dareemayn.

Sidoo kale 100-kun Kiish oo Sibir ah markay soo dagayaan oo la saaro 0.3,waxaa kasoo baxaya Dhaqaale fiican oo Ganacsuduhu uusan dareemayn.

Dhaqaalahaas,waxaa looga maarmayaa taageero dibada ka timaada oo abuurta faragelin iyo in Ciidanka si khaldan loogu Shaqaysto.

Waa muhiim in la yagleelo Talis la dagaallanka argagixisada Puntland ah oo leh Dhaqaale gaar ah,Ciidan gaar ah iyo Sumcad fiican.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading