Faallo:-Waa muhiim in la dadajiyo Sool in PL laga saaro.!!

MW Deni,waa in uu deg-deg ah udhisaa Gudigii Shaqadaas qaban lahaa oo ka saari Sool PL inteeda kale.

Sidoo kale Firdhiye,waa in uu gutaa waajibkiisa ahaa in uu jiheeyo mustaqbalka reer Sool.

Sadexda Qodob ee awooda loo siiyay,mid ka mid ah,ayaa ah in uu ka Shaqeeyo jihaynta Mustaqbalka Siyaasadeed ee reer Sool.

PL inteeda kale,waxay dani ugu jirtaa Sool oo ka baxda,Sadex sababood awgood…..

1.Isma qaadan karaan oo waa Dad ku kala duwan dhaqanka iyo aragtida.

2.PL ma hayn karto Sool oo waxay ku luminaysaa fursado horumarineed iyo fursado Siyaasadeed.

3.Sool waxay PL ka rabtaa oo kaliya in ay isticmaasho dhaqaalaheeda iyo awoodeeda.

Waxaan ka mid ahaa Dad yar oo aaminsanaa in Sool ay kusii jirto PL,balse waxaan aqbalay aragtida inta badan reer PL qabaan ee ah “Sool oo ka baxda PL”.

Dadka reer PL,waxay ku leeyihiin….

“LC oo SL xoog ku haysato,waxay nagu ahayd ceeb iyo waji xumo Somalida kale nagu caydo oo hadalku nooga xirmi jiray,hadiise aan Maanta xoraynay,mahayn karno ee aan fasaxno oo Aayahooda Gacanta ugelino”.

Aragtidaas Dadka qabay,way ka saxan yihiin Dadka aan ku jiray ee aragtida kale qabay.

Sool waa in ay PL ka dhamataaa Sanadkan gudihiisa.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading