Faallo:-Waxaa la joogaa xiligii isbadal lagu samayn lahaa Siyaasada PL Ee Koonfurta

Siyaasada PL,waa intaas MW Deni sheegay balse ubaahan mar walba in ay la jaanqaado waaqiciga jira.

Xiliga haatan lagu jiro waliba Sanadkan iyo wixii ka danbeeya,waa in la badalaa jihadii hore ee ahayd isgaabin iyo isku filnaansho.

Jihada cusub,waa in ay noqotaa furfurnaan;saamayn iyo xiriir badan oo la sameeyo.

DG-yada Koonfurta,waa in laysku dubaridaa oo dhaqaale la galiyaa.

Siyaasiyiinta iyo haldoorka Bulshada Somaliyed,waa in la abaabulaa.

BC,waa in aan Cagta laga qaadin oo aad loogu dhawaadaa.

Waxaa furan fursado badan oo Xasan bixiyay lagana faa’idaysan karo markay timaado loolanka Siyaasadeed.

PL aadbay ugu fududahay in ay samayso isbadal ka yimaada Koonfurta ,haday adeegsato dhaqaalaheeda,miisaankeeda iyo saamaynteeda kale.

Somaliya meelna ugama socono ee waa in aan saamayn ka badan inta aan hada samaynay ku yeelanaa Somalida dhexdeeda.

Waxaa furan fursado badan oo Xasan bixiyay lagana faa’idaysan karo markay timaado loolanka Siyaasadeed.

Waxaa la joogaa xiligii Xasan Dalka laga qaban lahaa oo la badbaadin lahaa Dastuurka iyo Doorashada.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading