Faallo:-Xasan Sh. oo ku fashilmay maaraynta qorshaha ka hortagida damaca Itoobiya

Habayaraatee wax aragti hogaamineed ah oo macno samaynaysa kama muujin arinka SL.

Hogaamintu ma’ahan in xaalad la abuuro oo Shacab la kiciyo,isla markaana erayo adag la adeegsado…

1.Waa keeni waayay aragti lagu kala reebo Shacabka SL iyo Muuse Biixi.

2.Waa keeni waayay aragti ay kala dooran karaan reer SL oo ay uga tanaasuli karaan gooni goosadka iyo heshiiska Itoobiya.

3.Talaabooyinka uu qaaday waxay wax tar unmodernised Muuse oo umidaysay Shacabkii SL.

4.Hab beeleed oo nacayb iyo cunsuriyad ku fadhiya oo loo abaabulay ka hortaga heshiiska Itoobiya iyo SL.

5.Ka hortagii Somaliya ee damaca Itoobiya oo uturjumay mid Diimeed oo xataa Nabadiidku qayb ka noqon karaan.

Saakay,waxay maraysaa in Beesha Hawiye iyo Beesha Isaaq Gacanta isa saaraan oo xaalku isku badalo Somali ishaysata halkii Bulshada oo midaysan lagu jihayn lahaa Itoobiya.

Xasan si halqalable ah oo aan nidaamsanayn,ayuu uwajahay markan heshiiska SL iyo Itoobiya.

Sidoo kale horay wada hadalladii SL,wuxuu uwajahay si khaldan oo Beelaysan aadna caadifad iyo buubuunin loogu laray.

MW Xasan Wadankan ma hogaamin karo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading