Faallo:-Xasan Sh oo qaadan waayay doorkii Odaynimo Ee Cabdullaahi Yuusuf

Xiligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo uu ahaa Madaxweynaha Fadaraalka,waxaa utagay Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasocda Beesha Saleebaan ee HG.

Waxgaradkaas,waxay ka cabanayeen Beesha kale ee la dhalatay ee Sacad,iyagoo ku haystay in Maamulkii Galmudug ay Xaafad ku haystaan.

Si gaar ah,waxay uga cawdeen in Beesha Sacad kala dagaalamayso Siyaasada oo aysan waxba uga ogalayn,waxayna usheegeen MW Cabdullaahi Yuusuf in ay dhisanayaan Maamul la yiraahdo Ximin iyo Xeeb,waxayna ka codsadeen in uu siiyo Warqad uu ku aqoonsanayo.

MW Cabdullaahi,wuxuu ugu jawaabay….

“Galgaduud,waa Gobol laga soo jaray Mudug,lama sii kala qaybin karo oo waxaanba is bixin karin Galmudug marka midooba Sacadna tartan la gala Kursiga ku qabsada oo Dadka ka xodxota,Anigu PL baan kasoo jeeda wax kale iska daayee Jifidayda hoose ee aan kala tirsano 12-ka ee MS Kursiga iskuma ogolin”.

Diidmadii Cabdullaahi Yuusuf iyo taladiisii Odaytinimo,waxay dhashay Galmudugta Maanta jirta iyo Saleebaan oo hogaankeedii qabtay oo Sacad Doorasho uga adkaaday.

Waa masuuliyada laga rabo MW Fadaraalka oo Dastuuriyan utaagan Oday mideeye ah balse Xasan taa badalkeeda,waxa uu qaatay in uu noqdo firdhiye.

Hanbalyo Galmudug oo kusii socota Wadadii Dowladnimada oo MW Qoor-qoor iyo M.xigeenka Ciid ay gaarsiiyeen horumar la taaban karo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading