Faallo:-Xirida Xaafiiska UNSOM Somaliya waa burburka rajada yar Ee Dowladnimo

Qaadistii Cunaqabataynta Hubka,waxaa kasii muhiimsanayd oo la socotay in Siyaasad ahaana la Madax baneeyo Somaliya.

Qorshuhu,wuxuu ahaa in Bilo kadib uu ka baxo Somaliya Xaafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Unsom.

Haatan DFS ee Dastuurka baalmartay dalabkeedu,wuxuu kusoo beegmay xilli uusan haysan taageero oo lala daahay,isla markaana Shaqooyin la rabay in la qabto aan la qaban.

Sidoo kale,waxaa codsigan caqabad ku ah mudo xileedka DFS ee sharciyada lumisay oo gaaray kala bar iyo khilaafka Dastuurka.

Somaliya in ay amaankeeda iyo Siyaasadeeda cagaha ku istaagaan oo qaan gaar caalamka wax la qaybsan kara ay noqdaan,waxay ubaahan tahay…

1.Wakhti si xoog leh loo shaqeeyo.
2.Midnimo iyo wada socod.
3.Kasbashada Beesha Caalamka

Fursadan Somaliya hortaalla ee ay kasoo shaqeeyeen Dowladihii kala danbeeyay ee ah danaynta caalamka,gaar ahaan reer Galbeedka Xasan ma’ahan hogaamiyihii uga faa’idayn lahaa.?

Musuq iyo Eex,ayuu ku mashquulsan yahay,waxuuna fursadaha masiiriga ah ka jecel yahay danaysi kooban ee yar.

Hadii la xiro Xaafiiska QM ee Somaliya,waxaa halkaas kusoo afjarmaya Siyaasada iyo amaanka in Somaliya ay kusii hoos jirto QM.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading