Faallo:-Xisbiyada iyo Xukuumada PL oo ku heshiiyay dhaqaajinta Dimuqraadiyada

Sharaf iyo Qiime gaar ah ayay uleedahay reer Puntland socodsiinta Dimuqraadiyada.

Guusha ugu weyn,waa in doorashada soo socota Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Shacabku toos usoo doortaan.

Xisbiyada iyo Xukuumadu,waxay mudan yihiin bogaadin,gaar ahaan hogaaminta MW Deni ee Gudoonka leh.

Si kasta oo reer Puntland ay ugu wareegsan yihiin xaalado adag hadana Dimuqraadiyadu,waa in ay socotaa.

Somaliya 30-Sano kadib waxay weli ku jirtaa colaad sokeeye,iyadoo Qabyaalada iyo cunsuriyadu ay laba kacleeyeen.

PL iyo SL oo ahaa Gobolo soo kabanayay oo tartankoodu ku salaysnaa horumar iyo xasilooni,waxaa dhaawac gaarsiiyay oo hoos uriday hiigsigoodii colaada Sool.

Ku tartamida horumarka iyo ilbaxnimada meesha way ka baxeen,waxaana dib loogu laabtay jahli iyo fakhri.

Si kasta oo xaalku yahay,waa in aan lays dhiibin.

 

https://x.com/JibrilQoobey/status/1795662142634438844?t=zNO9lN1hGh_hBqWio3w3YA&s=19

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading