Faallo:-Xukun lawada leeyahay,ayaa Somaliya ka Shaqayn kara

Xamse Xataa Naftiisa ma matalo,waxa uuna uyaqaan Xasan Macallinkiisii.

Jagada uu ku fadhiyo,waa mid Siyaasadeed oo matalaad ah,isla markaana wadata Shaqo Dastuuriya.

Xasan,waa Ciilqabe Qabiil oo aaminsan in Beesha uu ka dhashay ay gaarto Guulo ugaar ah oo ay ka dhex samayso Somalida.

Wuxuu dhibsanayaa Dastuur iyo Nidaam ay hormuud ka ahaayeen hirgelintiisa Beel kale oo aan tiisa ahayn in lagu hago Dowladnimada Somaliya.

Aragtida Talyihiisa Nabadsugida,ayuu aaminsan yahay ee ah (1991,Beeshayadaa adkaatay),waa fahan khaldan oo koox Beesha Xasan kasoo jeeda ay iska dhaadhicisay.

Balse Beeshu soo gelideedii 91-dii Xamar oo ahayd Caasiimadii Wadanka,waxay ugu badashay Magaalo Qabiil gaar ah leeyahay,waana Guusha Sanbalooshe iyo koox la aragti ah ay ku faanayaan.

Maamulida Dowladnimada Somaliya,waa wax lawada leeyahay oo ku salaysan matalaad rasmi ah.

In lays qaato oo lays aqbalo oo lays indho buuxsho,isla markaana Burhaanta ay leedahay Beel kastaa ay aragto tan kale,ayaa Somali macno uleh.

Caasimad iyo Xukun la wadaago,hadaan la helin,waxay tagaysaa “Awrkaagu Haku qaado”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading