Faallo:-Yaa Dowlada Xasan kula taliyay Warqadaha ay udirtay QM?

Xogayaha Guud ee Qaramadda Midoobay António Guterres ka dib markuu arkay in Xubnaha Golaha Amaanka walaac ayka muujiyeen lixda mashruucood ayka wadaan Qaaradda Africa qaasatan Soomaaliya, wuxuu go’aan ku gaaray in dib u eegis lagu sameeyo xafiska UNSOM Soomaaliya shaqadiisa (Mandate).

Go’aanadiisa:

1- Mr. Geterres Afar bilood ka hor wuxuu u saaray gudi guburo oo ka soo tala bixiya xafiiska UNSOM.

2- in aan loo xusbooneeysiin (contract) Wakiilkiisa Somalia Catriona Laing tasoo lagu micneeyay inaysan kalsooni ka haaysan xubnaha Golaha Amaanka.

3- Inuu xafiiska uu sii furnaado oo uusan u magacaabin wakiil cusub jagadana uu siina haayo ku xigeenka ilaa 2025.

3- In la dhameeystiro bixitaanka ATMIS December 2024.

4- In kulanka bisha Jun Golaha Amaanka Qaramadda midoobay la hor geeyo qorsho dhamastiran iyo shaqada looga baahan yahay inay buuxiso Soomaaliya si looga saaro mustaqbalka chapter 7.

Hadaba,

Waxaa cajiib ah labad warqadood ee Soomaaliya soo saartay hal isbuuc gudahiisa midna ayku dalbaneeydo in la xiro xafiiska midna ayku codsaneeyso in dib u eegis lagu sameeyo xafiiska UNSOM ayadoo shaqadii lagu dhex jiro.

Yaa Soomaaliya kula taliyay inay waraaqo dirto, ma aqoon daraa jirta mise waxay talo ka qaadatay kuwa doonaayo inay gud ka tuuraan Soomaaliya.

Wa bilaahi towfiiq
Sheiknor Abucar Qassim


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading