Faallo:-Yaa iska leh Eedeeda Ceebta Magaalada Garowe ka dhacday?

Looma sinna Ceebta dhacday oo waxaa masuuliyadeeda iska leh Madaxweyne Deni.

Sababta uu uleeyahay,waa in uu Ciidankii iyo Qalabkii Dowlada Puntland Gacanta ugeliyay Wiil Dhalinyaro ah oo Youtuber-le ah.

Caasimadii amniga iyo nidaamka hormuudka ugu ahayd Somali ee aan dhisaynay 30-ka Sano hoygana unoqotay taariikh iyo hide Dowladnimo in Bartankeeda Wiil Youtuber-le ah dartiis Xabbad uga dhacdo waa taariikh noo qorantay.

Ilmo Faroole awalba maqaam maysan ku dhex lahayn Ummadan,haatana waa sii dhinteen oo waxay udulqaadan waayeen Cay Wiil Dhalinyaro ah,iyagoo usocda Kursiga PL ugu sareeya.

Ilmo Diyaano waa Gobanimo dhaqmeen oo waa yaseen,hoos bayna udhigeen Wiilkaas markii Bosaso iyo Qardho loogu keenay oo Sanka laga mar mariyay,isagoo aflagaado joogta ah ku haya,sababtoo ah waxa ay usocdaan bay yaqaanaan qiimihiisa,waxayna fahansan yihiin in uu yahay wasakhayn,iyaga iyo Boqorka loosoo diray.

Reer Garowe intaas,waa fahmi waayeen oo Dhiiqadii Deni udhigay bay dhexda u istaageen.

Deni,waxaad isleedahay mararka qaarkood Nin weyn ma’ahan oo masuul ah,waxuuna uficiltamaa sidii Ciyaal Xaafadii.

Wiilkaas in uu buunbuuniyo,waxuu ku dilayaa oo ka dhex arkaa Ilmo Faroole iyo Ilmo Diyaano isagoo ilowsan in uu yahay Madaxweynihii Dalkan iyo Dadkan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading