Faallo:-Yaa umaqan Maydadka R.PL Ee ku Aasan Iskuul Boolisiya?

Sida Dad xog ogaal ah ay xaqiijinayaan Maydadka ku Aasan Iskuul Boolisiya,waxaa ugu badan Dad kasoo jeeda PL oo ahaa Ciidan ,masuuliyiin iyo Dad caadiya oo Dowladnimada raacay.

Dadka ugu badan ee halkaas ku Aasan,waxay dhinteen xilligii Dowladii Cabdullaahi Yuusuf oo waa Askartii ka raacday PL.

Haatan Maydadka halkaas ku aasan ehelkooda nool ma joogaan Xamar,mana yaqaanaan meel uu kaga aasan yahay oo Magac iyo Astaan maleh intooda badan kaliya Dadku,waxay haystaan in Dadkoodii halkaas lagu aasay.

Way fiicnaan lahayd in Dowlada PL soo farageliso oo ugu yaraan Maydadka la garan karo ay soo qaado.

Koox ka socota Wasaarada Caafimaadka oo loo kireeyay Diyaarad in loo diro ayay ku fiicnaan lahayd.

Haday ugu badato $20-kun,ayaa ku baxaysa soo ururinta Maydadka la garan karo oo ay ugu horeeyaan Saraakiil Ciidan,Siyaasiyiin iyo Dad Magac leh.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading