Faallo”Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Xaalka Laascaanood yaan laysku xirin

Diiwaangelinta hala Aado xaalka Laascaanood maarayntiisa Dowlad ku filan,ayaan uleenahay.

Xoraynta Laascaanood waa Wajiyo badan tahay kaliya ma’ahan dagaal qaawan waxa lagu xoraynayo..

1.Midayn Shacab.

  1. Dadaal Diblomaasi.
    3.Diyaar garow dhan walba leh.
    4.Bisayl laga rabo Saraakiisha Ciidanka,Isimada iyo Ganacsatada.

Dhamaan arimahaas,waxay ubaahan yihiin wakhti iyo dhaqaale in la geliyo.

Ma’ahan saakay wax lagu dhaqaaqi karo oo la fulin karo.

Shacabka caadiga ah ee reer Puntland waxay muujiyeen dareenkooda qadiyadeed,ehelnimo iyo damiirkooda nool.

Sidoo kale Shacabka ku jira gudaha Laascaanood waxay bilaabeen halgan loo baahnaa oo bilow ah.

Balse weli kulaylkii looga baahnaa Waxgaradka,Ciidanka iyo Ganacsatada Beesha Dhulbahante ma muuqdo.

Laascaanood xorayn bay rabtaa Xikmad ku fadhida ee uma baahna qiiro raqiis ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading