Faallo:Hooyada Federaalku sida ay u tahay hooyada Qof iyo Cod ayay sidoo kalena u tahay hooyada la dagaallanka Argagaixisadda

Gaalkacyo, Dawladda Puntland ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsan ururka Alshabaab. Dabcan, ma aha markii u horraysay ee sidoo kale marar hore oo kala duwan ayay ku fulisay Al-Shabaab kaliya ma aha ee xubno ka tirsan ururka Daacish ayay sidoo kale xukun dil ku fulisay.

Puntland waa maammul ay u degsan tahay siyaasaddiisa amni oo uusan ka leexan hadba madaxweynaha kursiga ku fadhiista.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ahaa asaasaha iyo madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ayaa billaabay inaan gorgortan laga gelin amniga iyo degenaanshaha deegaannada Puntland. Waxa uu dagaal culus oo lagu riiqmay la galay ururkii Al-Itixaad oo isku fidiyay badi deegaannada Puntland illaa ay nabad qaateen oo ay qoryihii dhigeen.

Wixii intaa ka dambeeyay Puntland waxa ay yeelatay ajande amni oo aad u adag oo aan gorgortan la gelin karin oo ay tahay inuu fuliyo Madaxweyne walba oo kursiga ku fadhiista. Waa sababta muddo-xileedyo kala duwan isku si loogu la dagaallamay Al-Shabaab iyo Daacish illaa ay Puntland noqotay qubuurtii Argagaxisadda. Dhammaan dhacdooyinka ma wada xusi karno balse aynu dhawr kamida tusaale u soo qaadanno.

Abriil 2013, Barqo hore ayaa 13 xubin oo ka tirsan Al-Shabaab lagu xiray tiirarka toogashada magaalada Boosaaso. Xubnahan ayaa u badnaa amniyaad dadka ku dila bistoolado. Mid kamida dadkii ay dileen shabakaddan waxaa kamid ahaa Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Aroor kamida arooryadii Diseembar 2011-kii ayay dileen isaga ka soo baxay masjidka oo uu salaada subax ku tukanayay. Lixda shawaal maalinteeda shanaad ayaa uu sheekhu soomanaa. Maalinkaa ay dileen ilayskii ayaa ka damay reer Boosaaso iyo reer Puntland iyo ummadda oo dhan. Balse sannad iyo bilooyin kadib raggii sheekha dilay waa laga dabageeyay.

Luulyo 2013, Waxaa subax lagu quraacday labo nin oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Tiirarka geerida ee Garoowe ayaa lagu xiray oo lagu toogtay. Labadan nin ayaa February, 2013-dii dilay Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax. Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac oo ahaa ninkii gacantiisa ku dilay sheekha ayaa islamarkiiba waxaa qabtay dadweynihii meesha ka dhawaa, halka Cabdullaahi Cismaan Caynte oo ahaa iskudubbaridihii dilka iyo shirqoolka shiikha laga soo qabtay Hargaysa. Soomaalilaan ayaa qabatay oo u soo gacan galisay Puntland. Waxaana laga daba geeyay Shiikhii iyo indheergaradkii ay ummadda ka dileen.

Juun 2017, Subax Jimco ah ayaa magaalada Boosaaso lagu toogtay toddobo nin oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Labo kamida waxaa laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo. Waxay ahaayeen kuwa bistooladaha wax ku dila, oo waxa ay dileen iskudarka labadaa nin 23 qof. Shanta kale ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso iyaga oo jawaanno qaad ah qarax ku dhexqarinaya.

Noofembar 2019, Markale waxaa magaalada Boosaaso lagu toogtay shan xubnood oo ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish. Dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwa bistooladaha wax ku dila ama loo yaqaano madax-jabiyaasha. Midkoodii ugu da’da weynaa ayaa jiray 39 sano, halka ka ugu yar uu jiray 19 sano. Shantuba waxaa laga qabtay magaalada Boosaaso.

Juun 2021, Markan lama oran karo toogasho ee waa xasuuq. Waxaa subax kaliya tiirka la geeyay 21 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Saddex xubnood waxaa lagu toogtay Garoowe, hal xubinne waxaa lagu toogtay Qardho, halka toban iyo siddeeda soo hartay lagu toogtay magaalada Gaalkacyo. 21-dan xubnood ayaa u badnaa madax-jabis. Ammiirka shabakaddan ayaa ahaa Maxamed Xaashi oo beesha Xawaadle ka soo jeeda. Labadiisa kuxigeen ayaa ka soo jeeday beesha Majeerteen.

Luulyo 2021, 21-dii xubnood ee la toogtay markay sagaal maalmood ka soo wareegatay waxaa haddane tiirka la geeyay siddeed xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan. 35 jir ayaa ugu weynaa, 21 jirna waa u yaraa. Magaalada Gaalkacyo ayaa subax kaliya lagu toogtay xubnahaas. Sidaa awgeed, wax ka yar toban maalin ayay Puntland tiirka gaysay 29 nin oo Al-Shabaab ah.

Maaj 2023, Magaalooyinka kala ah Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa subax kaliya ka dhacday toogashada xubno isugu jiray Al-Shabaab, Dacaaish iyo Puntland. 13 xubin waxaa ay ka kala tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish. Halka shan askar oo ka tirsana Dawaldda Puntland oo dilal gaystay lagu fuliyay xukunka qisaasta. Wadarta maalinkaa ayaa ahayd 18 nin oo tiirka la geeyay.

Febraayo 2024, Waxaa magaalada Boosaaso dil toogasho lagu xukumay rag ajaanib ahaa oo ka tirsanaa ururka Daacish. Lix nin oo dalka Marooko u dhashay ayay ahaayeen. Raggaas waxaa la la soo qabtay labo nin oo Soomaali iyo Itoobiyaan kala ah oo iyaga lagu xukumay min toban sano oo xarig ah.

Agoosto 2024, Saaka waxaa magaalada Gaalkacyo tiirka toogashada lagu xiray toban xubnood oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Dawladda Putland tiirka oo kaliya ma gaynin ee sidoo kale waxaa uu la galay dagaal toos ah. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa dagaalkii caanka baxay ee Suuj iyo Garmaal. In ku dhow ama ka badan 400 oo dagaalyahanno oo Al-Shabaab ah ayaa doomo kasoo dagay Xeebaha Puntland. Waxaa jabhaddaas iyo guud ahaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaallama Buuralayda Gobollada Sanaag iyo Bari amiir u ah Yaasiin Cismaan Kilwa oo jifo ahaan ka soo jeeda beesha Warsangali.

Yaasiin Kilwa ayaa ururka wakiil uga ah deegaannada Puntland. Labo waajibaad ayay ururka uga fadhiyaan Yaasiin Kilwa inuu guto. Waxayna waajibaadyadaasi kala yihiin inuu soo afjaro Daacishta buuraha ku jirta ee uu amiirka u yahay Odayga Cali Saleebaan ee Cabdiqaadir Muumin iyo inuu la dagaallamo Dawladda Puntland.

Bishii Maaj 2016-kii dagaalyahannadii doomaha ku yimid ee afarta boqol ka badnaa waxay dadka qaar ku sheegeen in ujeedku ahaa inay isballaariyaan Al-Shabaab si ay dagaal weyn ugu qaadaan Daacish iyo Al-Shabaab. Balse markiiba waxaa ka war helay colka culus ciidamada Puntland oo aanba sugin ee horay xabbadaha kaga billaabay intaysan nasan. Dagaal socday saacado badan kadib wax lagu sheegi karo xasuuq ayaa halkaa ka dhacay. Dhimashada Al-Shabaab ayaa kor u dhaaftay 70 dagaalyahan, waxaana maxbuus ahaan loo soo qabtay 35 dagaalyahan, hub iyo saanad ciidanne waa laga qaniimaystay. Dagaalkaas iyo dagaallo kale oo uu ururka la galay Dawladda Puntland waxa uu ku waayay in ku dhow ama ka badan 500 oo dagaalyahan, waa uuna ka soo waaqsan waayay.

Xilliga uu dagaalkaas dhacayay waxaa Madaxweyne ahaa Cabdiweli Gaas, saaka oo toban xubnood la tooganayane waxaa Madaxweyne ah Saciid Deni, halka goortii tiirka la gaynayay raggii labada caalim dilay uu Madaxweyne ahaa Cabdiraxmaan Faroole. Halkaa waxaa kaaga muuqanaya in la dagaallanka raggan ay tahay ajande qaran oo qoran oo qeexan oo cad oo aan laga leexan. Shacabka Puntland ayaa iyaguna qayb weyn ka ah soo qabashada iyo in meel looga soo wada horjeesado lana garab istaago hay’adaha amniga. Koonfurta Soomaaliya badi ma jirto degmo degmo kale looga gudbi karo illaa diyaarad la raaco mooyee. Halka deegaannada iyo degmooyinka Puntland-na aad habeenkii guure kaga bixi kartid adiga oo saddex lahaaga dhaansaday, go’aaga iyo ushaadane hore u qaatay.

Sida Dawladda Puntland u tahay hooyada Federaalka, haddana ay u noqotay hooyada qof iyo cod, ayay sidoo kalena u tahay hooyada la dagaallanka Argagaxisadda.


WQ:// Aw Dacar


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading