Faanka Fahad Yaasiin iyo waaqiciga Nisa!!

Waa dhab in Hay’ada Sirdoonka Qaranka Somaliyed la tayeeyay oo ay leedahay awood Sirdoon oo qarsoon iyo mid muuqata.

Sidoo kalena loo dhamaystiray hogaamadii iyo qaababkii laga rabay Hay’ad Sirdoon oo Qaran.

Tayaynteedu mahan mid hada soo bilaabatay ee waa dhisid isa soo daba socotay tan iyo Dowladii Cabdullaahi Yuusuf.

Balse su’aashu waxay tahay see loo adeegsaday iyo yaa loo adeegsaday?

Hay’ada Sirdoonka Somaliyed ee Nisa waxaa loo adeegsadaa dano iyo qorshayayaal ay leeyihiin Dowlado iyo Hay’ado shisheeye!!

Sidoo kalena,waxaa loo adeegsaday isla Qaranka Somaliyed basaasidiisa,burburinta danihiisa Qaran iyo la dagaalanka Siyaasigiisa iyo caburinta Shacabkiisa.

Nisa oo awood leh way soo jirtay Afartii sano,balse masoo jirin Nisa u adeegta waxii ay utaagnayd ee Danaha Amni iyo Siyaasadeed ee Dalka.

Faanka Fahad waa mid xaqiiqda ka fog oo wax lagu khaldayo.

Waa iska cadahay Fahad cida uu u adeego iyo siduu u Adeegaba.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading