Faarax Macalin “Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa diidan shidaalka Soomaaliya” (Daawo)

NAIROBI (IDIL NEWS)-Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare ayaa ku eedeeyay dowladaha Khaliijka inay diidan yihiin shidaalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in shirar looga hadli lahaa nidaamka shidaalka Soomaaliya oo ka dhici lahaa Addis Ababa iyo Istanbul la baajiyay.

Faarax Macalin oo taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay diidan yihiin wax soo saarka shidaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay heysato illaa 280 Block oo shidala ah, balse 53 ka mid ah lagu sameeyay sahan, lana xaraashay, waxaana uu xusay in la isku haayo oo kaliya 3 Block.

Faarax Macalin ayaa sheegay in saddex aqoonyahan oo ka shaqeynayay Wasaaradda Batroolka lagu sameeyay shaqo joojin, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay in Wasiirka Batroolka uu shaqada ka fariisiyay saddexdaas xubnood, isla markaana rag kale la soo geliyay shaqada.

Daawo.

https://www.youtube.com/watch?v=jduDOtocbwU

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading