Fadhiga 15-Aad Ee Golaha Wakiilada PL oo si habsami leh usocda

Garoowe: Luuliyo 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta wax-ka-baddelka xeerka Warbaahinta Puntland.
Ugu horeyn Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqanka oo wax-ka-baddela akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay.

Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, dhiiri-gelinta & horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ku dhaqanka diinta islaamka, ilaalinta wadaniyada iyo danaha guud, xakameynta naceybka, sumcad dilka iyo been abuurka ee baraha bulshada.

Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, iyadoo Goluhu ka shaqeeyey ilaa 6-qodob oo xeerkan kamid ah.

Dhanka kale, Golaha Wakiillada aya fadhigoodii maanta ku meel mariyey soojeedin codsi oo ka timid Guddiga Shuruucda & Cadaaladda Golaha Wakiillada taas oo la xiriirta dib-u-dhigis wax-ka-badelka xeerka Qareennada Puntland.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading