Fadhiga 51-Aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo si habsami leh usocda

Garoowe, December 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.

Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.

Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaaminta xuquuqda hawl-gabka iyo Liiltirka shaqaalaha Dawladda, xaqsiinta shaqaalaha, ilaalinta dakhliga hawlgabyaasha, naafada iyo qoysaskooda.

Xeerka ayaa sameyn ku laheyn dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Xukumadda, Xubnaha Garsoorka, Ciidamada qalabka sida, Shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha ganacsi ee Dawladda, Bangiyadda Dawladda, shaqaalaha aan joogtada ahayn, qandaraasleyaasha Dawladda, kuwaas oo shaqeeya wakhti xadidan oo aan lagu magacaabin sharciga magacaabidda shaqaalaha Dawladda, Shaqaalaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo shaqaalaha Dawladaha hoose.

Dooda wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading