Fahad Yaasiin mid ka mid ah cadawga Puntland ee aan la dhayalsan karin

Puntland : Midnimo ku xiran Sadbursi ama ku Goodin Go’id
 
 
“Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Madaxweyne Farmaajo dhowaan u Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyadda Federaalka Waa nin cadaawada u qabo Nidaamka Federaalnimo taasoo keentay inuu cadaawad xad dhaaf ah Puntland u qaado,, wuxuuna Sanadkii 2014kii Nov, 20keedii maqaal uu ku daabacay Aljazeera barteeda Carabiga in DOWLADA PUNTLAND ay lamid tahay KURDIDA CIRAAQ, isagoo maqaalkiisaas si weyn ugu weeraray awoodaha Puntland u madax banaantahay, isagoona ku tilmaamay ummada reer Puntland kuwa sida Kurdida Ciraaq doonaya inay mustaqbalka goostaan!
 
 
 
Dowlad Goboleedka Puntland ilaa laga soo bilaabo dhamaadkii sagaashameyadii ee qarniigii tagay wuxuu ahaa mid aan maamul ahaan hoos tagin xarunta Dowlada dhexe ee Muqdisho, labada dhinaca (Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland) dadaalo ay sameeyeen si ay ugaaraan Isfahan oo ay dhexdhexaadinayeen Dowladaha Gobalka laguma guuleysan fulinta wixii lagu wada heshiiyay waxay noqtay mid aan ka qiima badnayn warqadii lagu qoray.
 
Taag-darida dowlada dhexe iyo damaca siyaasiyiinta Puntland ay u hanqal taagayaan bal mar uun Soomaaliya inteeda kale say uga go’i lahaayeen ayaa caqabad ku noqotay fulinta heshiisyada lawada galo.
 
Waxyaalaha la’ogaaday u kuur galid kadib waxaa ka mid ah in Puntland had iyo jeer si u la kac ah isku muujiso inay tahay Dowlad ka Madax-banaan Soomaliya, waxay iska indha tirtaa inay qayb ka mida tahay Soomaaliya, waxaa laga yaabaa hab-dhaqankaasi inuu salka ku hayo sababna u yahay han-siyaasadeed oo gooni u ah siyaasiyiinta, ama waxaa ka loo dhici karta in arrintaa ku dhiira galinayaan Dowladaha gobalka , arintu sey ahaataba waxaan shaki ku jirin in maamuladii isaga danbeeyay xukunka ee dowlada dhexe awoodi waayeen hor-istaagitaanka dowlad gobleedakaa u hinqaday dhinaca ka go’ida Soomaaliya inteeda kale.
 
Waxaa inoo muuqtaa markasta oo ay Dowlada dhexe noqoto mid u afduuban xaaladda amni ee qalafsan una garba duuban loolanka dhexdeeda ah, taasi waxay keenaysa waqti ay qaadataba inuu xaqiiqoobo Puntland inay ka go’do Soomaaliya.
 
Malaga yaabaa in dhibaatada hada ay dowlada dhexe la nooshahay inuu kasii daro oo xaaladda Puntland iyo qaabka loo maamulo siyaasadiihiisa uu la mid noqdo Maamulka Kurdistaanka-Ciraaq, mise dowladdu waxay la’imaanaysaa siyaasad cusub taasoo xal ay ugu raadinayso Maamul Gobolaydyada.
 
Kurdistaankii Soomaaliya:-
 
Markii la’asaasay Puntland ilaa hadda aan qorayo qoraalkaan, Puntland lama tacaamulin hay’adaha kala duwan ee Dowlada Dhexe.
 
Waxaa wax lala yaabo ah in Wasiirka Difaaca, Taliyaha Policeka, Taliyaha sirdoonka ee Dowlada Federaalka aysan awood ku leheyn inay la socdaaan shaqooyinka ay qabnyaan “laamaha lajaadka ah ee Puntland” amar inay siiyan iskaba daaye.
 
Intaa waxaa sii dheer in Puntalnd had iyo jeer baadi goob ugu jirto in si gooniya loola tacaamulo mar kastoo lafuro wadahalo, meel sare ayay qabsataa si ay u wiiqdo una yarasyso awooda Dowlada Dhexe.
 
Khilaafaadka Muuqda:-
 
“Gobalka mudug yuu raacsanyahy”
 
Waxaa soo nooleeyay khilaafka in dowladda federaalka ay ku dhawaaqday in la mideeyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso Maamul Goboleed Cusub, waxay iclaamisay in shir wada-tashi loo qabto labada gobol bisha soo socota, arintaan waxaa soo dhaweeyey dhamaan maamulada ka jiray labada gobol marka laga reebo Puntland oo dareentay in 3 Magaalo ay ku weenayso hadii talaabadaasi hirgasho intaa kaliya maahee waxaana ka dhalanaya arrintaa in Puntland culayskii siyaasadeed ay lahayd ay dhumiso, arintaa waxa ay keentay in Puntland xiriirka ay u jarto dowladda federaalka illlaa ay go’aankaas dib uga laabaynayso.
 
Dhianca kale xukuumada federaalka waxay u aragtaa in dastuurka uu ku waajibanayo dhisidda Maamul goboleedyo ku xiran shardi ah in maamulkaa uu noqdo mid ka kooban labo gobol iyo wixii ka badan sidaas awgeed waxaaa waajib ah in labada gobol laysku daro ayadoo la fiirinayo maamul aahaan meesha ay raaci karto aan la fiirinayn lahaanshaha qabiil.
 
Caadada sida ay tahay (aan dastuurka ku qornayan) in Puntland Madaxweynaha ama Reysal-Wasaaraha ay midkood helaaan, waxa dowladda loo colaadinayo oo ay u haystaan waxay tahay inaysan laba tooko oo isku xigta aan qabaa’isha Puntland laga soo dhex-dooran Reysal Wasaaraha , tani oo loo fasiran karo iska indha tirid si u la kac ah loo sameeyay iyo gacan-bidixeyn nidaamsan oo looga gol leeyahay tahmiishinta Puntland tasoo ka dhex abuuri karta cadaawada iyo naceyb jiitama.
 
Heshiisyada Labada-dhinac Asbaabaha Fashalka & Xiriirka Mustaqbalkooda
 
Madaalibta (dalabyada) Puntland waxay ahayd mid dowladihi ku meel gaarka ahaa aysan u la hayn awood dastuuriya oo ay ku fuliyaan, heshiisyadii ay wada gali jireena waxay ahayd mid Dowlada dhexe ay doonaysay kaliya dajinta xaaladda markaas taaganayd.
Hogaanka Puntland khaas ahaan Muddadii Madaxweyne Faroole waxay ahaayeen kuwa iska jecel isku dhaca ayaga iyo Maamulka Muqdisho inuu iska jiitamo, ayagoo u adeegsanaya khilaafkaas mid ay ku helaan soojiidashada shacabkooda iyo sii jiritaanka Puntland iyo inay abuuraan nacayb ay shacabka Puntland u qabaan Dowladda Muqdisho si ay ugu gogol xaaraan go’itaanka Maankooda ka guuxaya.
Dowladda federaalka oo dhinaceeda ka jirin rabitaan siyaasadeed oo dhaba sidii ay usoo dumi lahyd Puntland wadada ay umaraysana tahay in Dowladda federaalka ay taageero-Maaliyadeed u muujiso Puntland si ay uga daboosho qarashaadka daruuriga ah sida bixinta mushaaraadka ciidanka oo kale.
Kaalinta xubnaha matala Puntland ee dowlada federaalka oo dowrkoodii gabi ahaanba gabay.
Dhacdooyinka & Xaaladah la Filan Karo.
 
Marxaladda soo socota waxaa hubanti ah in Soomaaliya ay gashay xaalad cusub oo ah inay dowladdi ka baxday ku meel gaarkii, ayna bilaabatay marxalad Aduun Weynuhu daneenayo in si toos ah ay u la xiriiraan Muqdisho.
 
Wasiiradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka (Hillary Clinton) waxa ay sheegtay mar ay la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh in la joojiyay Nidaamkii-tacaamuleed ee hore oo loo yaqaanay “Dual-Track”, intaa waxaa sii dheer in Maraykanku ictiraaftay dowladda una aqoonsaday in dowladda fedaraalka ay tahay jihada kaliya ee la gala xiriirayo arimaha Soomaaliya.
 
Xaaladda 1’aad:-
 
Marka loo fiiriyo dowladda sida ay isugu ballaarisay dhulka cusub ay qabsatay, awooddi ama cududdii kooxda Al-Shaabaab oo wiiqantay ama soo aruurtay, dowladada federaalka oo heshay taageerada caalamka intaa waxaa sii dheer Ciidamada Amisom oo ah cududda ciidan ee dowladda, iyo inay taageero-maaliyadeed ka heshay qayb ka mida Dowladaha Carbeed, Dunida Islaamka iyo Dowlado Saaxiibo dhow la ah Soomaaliya intaa soo arrimood oo isbiirsatay Puntland waxay ku qasbantahay inay iskala heshiiso oo ay furto baal cusub dhinaca xiriirka ah, haday isku daydo Puntland in arintaa dib uga dhacdo ayadoo og dowladda federalka inay ka soo kabanyso dhincyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo aminiga, Puntalnd waxay noqonaysaa mid go’doonsan gooni-joog ah intaa kaliya kuma ekee waxay dhuminaysaa qayb ka mid ah kaararkeeda siyaasadeed waxayna ku danbeenaysaa mid kaligeed isku-mashquulsan ayoodana wax dhib ah gaysan Karin.
 
Xaaladda 2’aad:-
 
Waa in dowladda federaalka aysan ka faa’ideysan fursadaha horyaal ee leh mid gudaha ah iyo mid dibadeedba noqotana mid u afduuban isqabqabsi iyo khilaafaad dhexdeeda ah sida khilaafaadka soo noqonoqda ee u dhaxeeya Madaxweenahay iyo Raysal-Wasaarihiisa iyo in ay ku mashquusho maamulada kale ee ka jira koonfurta Soomaaliya iyo in ay maareen waydo xiriirka aan fiicnayn ee ay la leedahay Kenya, arrimaahaas aan sheegnay oo dhan haday xal u heliwaydo waxay fursad siinaysaa Puntaland inay ku sii socoto hab-dhaqankeedii ahaa mid jecel isku dhaca iyo khilaafka dowladda federaalka iyo in Puntland awood u yeelato ka qaybqaadashada wax ka dajinta Road Mapka lagu gaarayo doorashooyinka Madaxwaynaha iyo kan baarlamaankaba, haday tani dhacdo waa arin Puntland awood siinaysa ayna xaq u leedahay inay shuruudaha ay rabto u yeeriso Muqdisho.
 
Xaaladaha 3’aad:-
 
In labada dhinac heshiisyo kala saxiixdaan taasoo macnaheedu tahay in lagu sii socdo habkii caadada ahayd oo ah in qadiyada khilaafku ka taaganyahay la qaboojiyo dhinacna kalena mid kale cirka lagu sii shareero, arintaa waa sii wada-joogitaan lagu qasbanyahy ilaa laga gaarayo xal kama dambays ah
 
Xaaladda 4’aad :
 
Waxay ay noqon kartaa in la unko dowlad goboleedyo sida Puntland oo kale ayadoo la fulinayo Dastuurka ka dibna waxaa lays kugu yeerayaa dhamaan dowlad goboleedyada si ay ra’yigooda uga dhiibtaan taasoo dhabarka ku dhufanaysa la kali-noqoshada awoodeed ee Puntland.
 
W/Turjumay:Cali Jaamac Warsame(Cali Xeef)
 
calixeef2019@gmail.com
 
SAHANONLINE.COM

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading